Qaahira (AN) Maxakamadda ugu saraysa Dalka Masar ayaa fadhi kooban oo ay yeelatay ku aqbashay Ambiil dib loogu eegayo Xukunka Wariyeyaal u shaqaynayay AL-jazeera oo xidhan inka badan hal sanno.
Maxakamadda ayaa amartay Saddexda Wariye ee kala ah Peter Greste,oo Australia u dhashay iyo Mohamed Fahmy iyo Baher Mohamed oo Masar u dhashay in dib loo maxakamadeeyo.
Wariyeyaashan ayaa lagu xukumay xabsi u dhexeeya 7 sanno ilaa 10 sanno ka dib markii lagu eedeeyay inay caawinayeen Ururka Ikhwaanul Muslimiinka Masar oo argagixiso ay u aqoonsatay Xukumadda Masar.
Saddexda Wariye ayaa Xabsiga ku sii jiraya sida uu sheegay Mostafa Nagy oo ah Qareenka difaacaya, isagoo tilmaamay in sii dayntooda lagu go’aamin doono marka dib loo maxakamadaynayo.
Maxakamaddu may faahfaahin wakhtiga Wariyeyaashan dib loo Maxakamaddaynayo. Walaac badan oo dunida ah ayaa laga soo saaray xadhiga wariyeyaashan iyadoo aan Xukumadda Militariga ah ee Masar hore dhag ugu dhigin.








