Hargeysa (AN) Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa Mudaneyaasha uga digay inay fadhiyada caadiga ah ee Golaha ka maqnaadaan ka dib markii labadii maalmood ee u dambeeyay Goluhu u furmi waayay Kooramka oo buuxsami waayay.