Gudoomiye Cirro Oo Cabdiqaadir Jirde iyo Taageerayaashiisa Si Diiran U Soo Dhaweeyay

0

1f6d02a07204e7f91dee222a6c15654e_L

Hargeysa (AN) Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, ayaa si qalbi furan xisbiga waddani ugusoo dhaweeyay Xildhibaan  Cabdiqaadir Jirde iyo Taageerayaashiisa oo ku dhawaaqay inay Waddani ku biirayaan.

“Xildhibaan C/Qaadir Jirde aad ayaan ugu faraxsanahay inuu kusoo biiray Xisbiga ‪Waddani, si diiranna waan ugu soo dhoweynayaa Xisbiga isaga, masuuliyiinta kale & dhamaan taageerayaashooda ballaadhan.
Xildhibaan Cabdiqaadir waa ruug caddaa siyaasiya kana mid ah haldoorka ay ‪Somaliland ku faanto ee dhidibada dawladnimo taagay, soona gaadhsiiyay halkay maanta marayso.
Dhamaan Taageerayaasha WADDANI waxay diyaar u yihiin soodhoweyntiisa.

Waxaan u-mahadcelinayaa dhamaan madaxda iyo taageerayaasha Xisbiga Waddani ee ‪UK ee dedaalka badan muujiyay” ayuu Gudoomiye Cirro ku yidhi Qoraal uu soo saaray.

Xildhibaan  Cabdiqaadir Jirde iyo Jaaliyad ka soo jeeda Maroodijeex iyo Hawd ayaa dhawaam munaasibad ay London ku qabteen ku sheegay inay Waddani ku biirayaan, iyadoo munaasibadoodana laga qabanqaabinayo  Hargysa.