Duruqsi (AN) Wasiirka wasaaradda caafimaadka JSL Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo toosiye oo socdaal hawleed ku jooga Gobolka Togdheer ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey deegaano ka mid ah gobolkaasi, waxana ay u kuur galeen xaaladda caafimaad ee Gobolkaasi, waxana uu xadhiga ka jaray xarun caafimaad oo laga hirgelinayo Deegaanka Durruqsi.