“Xisbiga Ucid cid kulmiye ah kumay biirin Gudoomiyaha degmada Arabsiyo ee xisbiga Kulmiyana anigaa ah wax kajirana majiro”Cali Yoonis Habane

0

Arabsiyo(AN)Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga talada haya ee Kulmiye oo lasoo xidhiidhay shabakada Arabsiyo News Ayaa sheegay inaanay jirin habayaraatee Masuuliyiin ka tirsan xisbiga kulmiye oo ku biiray ucid ee ay tahay beentii mucaaridku ay horaba usamayn jireen

Masuuliyiintan oo  kala ah  Cali Yoonis Habane iyo Rashiid Muxumed Xirsi.waxaanay fariin  Adag u Direen xisbiga ucid ooay ku tilmaameen mid ku fashilmay saaxada siyaasada waa siday hadalka u dhigeene.

cali yoonis

Cali Yoonis Habane ayaa carabka ku dhuftay in Gudomiyaha xisbiga Kulmiye ee Magaalada Arabsiyo uu yahay waxaanu yidhi

“maanta waxaa ayaan daro ah in xilkii aan u hayey xisbiga kulmiye ee Arabsiyo ninkale isku magacaabo oo uu sheegto in uu kabaxay xisbigaas kuna biiro xisbiga Ucid ,Jamaal  iyo Ucidna ay ku riyoodan in ay maanta ku biireen  tageerayaal uu Gudoomiyihii kujiro,laakin maanta waxaan u sheegayaa Tageerayaasha Xisbika Kulmiye in Gudoomiyihii degmada Arabsiyo ee xisbiga Kulmiye  anigoo ah Cali Yoonis Habane aanaan ku birin Xisbiga Ucid ee xisbigii Kulmiye aanu tageersanahay kana xunahay waxay xisbi Ucid ay la dhex wareegayaan Degmada Arabsiyo anu u aragno uun fashil siyaasadeed oo kuyimid Xisbigii Ucid ”

Waxa kale oo dhacdadan waxx laga xumaado Ku tilmaay Rashiid Muxumed Xirsi oo kamid ah Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye waxaanu yidhi

“Xisbiga Kulmiye Cid ka digaraogatay oo kubiirtay Xisbiga Ucid ma jirto Degmadda Arabsiyo waxay tageer sanyihiin Xisbiga Kulmiye horena utageersanaa laakin waxaan layaabay Masuuliyiinta ay horkacayeen Musharaxa madaxwayne ee Jamaal Cali Xuseen iyo ku xigeenkiisi oo ciyaal yaryar oo Arabsiyo dhex jooga ku sheegay in ay kasoo digarogteen Xisbiga Kulmiye ,waxaan xasuusinayaa Biiritaankaa malaha ka khaldamee cid ku soo biirtay cid kabaxda Ucid maahe ma jirto”

Hadalkan kasooyeedhay Cali Yoonis Habane oo sheegtay in uu yahay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ugu magacaaban Degmada Arabsiyo ayaa waxba kama jiraan ka dhigaya Tageerayaal uu horkacayo Maxamed Dabagaale oo isla munaasibadii Xisbiga Ucid ay ugu qabatay Magaalada Arabsiyo shaaciyey in uu ahaa Gudoomiyaha Arabsiyo ee Xisbiga Kulmiye uuna ku biiray Xisbiga Ucid

Arabsiyonews.com

Muuse Xuseen Xasan

Arabsiyo Offic

Contact : 063-4434980  email : musesaxafi@hotmail.com