“Salaada Iyo Mudo kordhintu waa iskukaayo mid waa wajib dastuuriya”Xildhibaan Indho indho

0

Hargaysa(AN) Xildhibaan C/qaadir Maxamed Xasan (Indho Indho) oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida S/land ayaa markii ugu horaysay kahadlay Mudo kordhin ay sheegen Asxaabata Mucaaridka S/land in lo samaynayo Xukuumada Talada haye ee Kulmiye

Waxaanu sheegay Xildhibaan Indho Indho in xukuumadu xaq uleedahay Mudo kordhin loo sameeyo waxaanu yidhi

“Waxaan kaga jawaabayaa Arinta uu leeyahay Faysal Cali Waraabe arin dastuuriya maahe waa arin Farsamo horta anaga Gole guurti ahaan waxaan kordhinaa markay doorashooyinku qabsoomi waayaan bil kahor iyadoo doorasho dhawan oo cidii uxilsaarnaydba aanay  kahadal anagu kama hadalno xiliga kaliye ee dastuurku nasiiyayna waa markay bil kahadhsan tahay immikana waxaa kahadhsan mudo lix bilood iyo dheeraad ah waxaan ka jawaabayay uun halka uu leeyahay dastuuri maahe waa arin farsamo ee waa arin dastuuriya”

waxa uu sidoo kale ku dheeraaday Xildhibaan Indho Indho  aanay haatan habayaraate aanay jirin wax farsamo oo aanu wadno waxaanu xusay in Xisbiyada iyo Komishanku ay ku shiraan Xarunta Komishanka Golaha Guurtidana aanay wali loo soo gudbin

waxa kale oo Xildhibaan Indhoindho carabka ku adkeeyey in awooda kowaad dastuurku siiyey Golaha Guurtida markay mudo kordhin timaado

“salaada iyo mudo kordhin markay bili kahadsantahay waa waajib dastuuriya anagoo eegaynna inta ay ku qabsoomi karto doorasho ama ay jiraan duruufo ka jira dalka iyo maslaxada umada ”

hadalkan kasoo yeedhay Xildhibaan indho indho ayaa noqonaya hadalkii ugu horeeyey ee golaha Guurtida oo ay ku eedeyeen Asxaabata Mucaaridku in ay aywadaan mudo kordhin unoqonaya jawaab aan aad ubuurnayn iyadoo dhanka kalena Xildhibaan Indhi indho hoosta ka xariiqay in xukuumadu mudo kordhin xaq uleedahay taas oo la odhan karo waa ifafaalo wadada Xildhibaanku ugu sii xaadhayo mudo kordhin loo sameeyo xukuumada talada haysa

 

Arabsiyo.net

Hargaysa Desk