Madaxweynaha Somalia Oo Safar Ku Tagay Masar

0

Qaahir (AN) Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xalay Saqdii dhexe gaadhay Caasimada Dalka Masar kaddib markii uu Muqdisho ka kicitimay. Madaxweynaha iyo Weftigiisu waxay halkaasi u tageen Marti qaad rasmi ah oo ay ka heleen Madaxweynaha Masar Cabdicasiis Al-sii-sii.

Madaxweynaha Somalia ayaa kulamo la yeelanaya Madaxweynaha Masar oo la sheegay inay ka wada hadlayaan xoojinta xidhiidhka labada waddan iyo sidii kor loogu qaadi lahaa Iskaashiga Somalia iyo Masar.

Sidoo kale waxa uu Xasan Sheekh kulamo la yeelanayaa Madaxda Jaamacadda Carabta oo ay ka wada hadlayaan sidii loo hirgalin lahaa Ballamo Jaamacadda Carabtu hore ugu qaaday Somalia.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweyne Xasan Sheekh dhigiisa Masar kala hadlayo sidii loo sii dayn lahaa dad Soomaali ah Xabsiyada Masar ku xidhan