ISIS oo weerar ismiidaamin ku qaaday Dad sunni ah

0

Capture

Waxaa maanta oo isniin ah weerar ka dhacay magaalada Taji ee dalka Ciraaq ku dhintay ugu yaraan 8 qof.

Weerarkan oo ah mid ismiidaamin ah ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan 25 qof. Qaraxa ayaa lala beegsaday dad sunni ah oo isugu soo baxay aas iyo tacsi ka dhaceysay magaaladaasi.

Magaalada Taji oo dhanka waqooyi ka xigta magaalada Caasimada ah ee Baqdaad ayaa ah magaalo ay degen yihiin dadka sunnida ah.

Kooxda ISIS ayaa la rumeysan yahay inay weerarkan geysatay, iyadoo uga aargudaneysa maleeshiyaadka Sunnida ah ee gacanta siinaya ciidamada dowlada Ciraaq