Arabsiyo(AN)Waxaa maanta xaflad loogu qabtay Alla aamin hotel eek u yaala magaalada Arabsio, masuuliyiin uu hor kacayo Gudoomiyihii xisbiga talada haya ee Kulmiye ee magaalada Arabsiyo; Maxamuud Cabdillahi Cabdi ( Dabagaale) iyo taageerayaal uu watay oo dhamaantood sheegay inay ku biirayeen Xisbiga mucaaradka ah ee UCID.
Xaflaadaasi waxaa goob jooog ka haa musharaxa Madaxwaynaha UCID Jamaal Cali Xusein iyo kuxigeenkiisi C/rashid Ali Mataan, Xoghayihii warfaafinta iyo masuuliyinta kale ee ugu saraysa Gobalka Gabiley. Waxa ugu horeynn kahadlay Gudoomihii hore ee xisbiga kulmiye ee Degmada Arabsiyo Maxamoud C/lahi Cabdi waxaanu hoosta ka xariiqay inay ku hungoobeen xisbiga ay ka tirsanayeen ee Kulmiye, maanta laga bilaabana ay cududoodii taageero ay diyaar ula yihiin inay siiyaan xisbiga mucaaridka ah ee UCID.
Waxa uuu intaa ku daray in aanay kulmiye waxba u qaban magaalada Arabsiyo, oo aanay lahayn wax cisbitaal ah iyo kaabayaashii aasaasiga ahaa ee Bulshadu u baahnayd. Waxa isna halkaa ka hadlay maayarkii hore ee degmada Gabiley Maxamed Cabaas Jaaamac oo sheegay inay Dawladu ay ku guuldaraysatay biyo u samaynta magaalada Arabsiyo,
taasi oo awoodi wayday inay Ceelashii la qoday ee loogu tala galay magaalada ay maanta xooluhu ka cabaan. Taasina muujinayso guuldarada xukuumada uu hogaamiyo Madaxwayne Siilaanyo. Intaa ka dib waxaa halkaa ka hadlay masuuliyiinta gobolka Gabiley ee xisbiga UCID oo sheeegay inay aaad ugu faraxsan yihiin taageerayaasha cudida leh eek a soo digarogtay Kulmiye kuna soo biiray xisbigooda, sheegayna inay u furan yihiin Albaabada xisbigu. Xisbiguna yahay xisbigii cadaaladada iyo sinaanta, ayna u siman yihiin kii ku jiray iyo kan maanta ku soo biiray.
Wuxuu ku soo dhaweeyay Musharaxa madaxwayne ku xigeen xisbiga ee C/rashid Xassan Mataan, kaas oo sheegay inuu aad ula dhacsan yahay taageerada muga leh eeu soo korodhay xisbigooda soo dhawaynayaa. Waxaa uu fariin u diray komishanka qaranka isaga oo sheegay inay wajibaadkooda qaran ka soo baxaan oo ay soo bandhigaan qorshihii doorashada lagu gali lahaa.
Guntii iyo gabagabadii waxaa soo afmeeray Musharaxa madaxwaynaha ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen, kaas oo sheegay inuu aad ugu faraxasan yahay cududa taageero ee u soo digarogtay Xisbiga UCID. Wuxuu intaa ku daray in sidii golaha deeegaan loogu hiilayay xisbiga UCID, ay maantana uga fadhiyaan magaalada Arabsiyo taageero mugle, uguna badali doono waxqabad dhab ah oo aan ahayn beentii Kulmiye.
Arabsiyo.net
Muuse Xuseen Xasan
musesaxafi@hotmail.com
Arabsiyo/Office
















