Hargeysa (AN) Guddida wanaag farista iyo xumaan reebsita jamhuuriyadda Somaliland ayaa xafiis cusub ka furtay xaafada Sheekh Nuur (kililka) oo ka mid ah xaafadaha ugu wayn ee hoos yimaadda degmada Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa.
Munaasibad aad loo soo agaasimay oo ay kasoo qayb galeen Wasiirka diinta iyo awqaafta jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axme,d badhasaabka ku-xigeenka gobolka maroodi jeex, hogaanka guud ee ciidanka bilayska Somaliland, taliyaha qaybta bari, taliyaha xaafadda Sheekh nuur iyo guddoomiyaha xaafada sheikh nuur , Sheekha Xaafada sheikh Maxamed, Muuse Habane masuuliyiinta ugu sarayasa guddida wanaag farista iyo xumaan reebista, waxgarad, dhallinyaro iyo culimo awdiin kale oo tiro badan ayaa xadhiga lagaga jaray xafiiska cusub ee ay ay gudidani ku yeelan doonto xaafgada sheikh Nuur. Ugu horayn waxa halkasi ka hadlay guddoomiyaha xaafada oo ku dheeraaday muhiimada xafiiskani u leeyahay xaafada iyo amnigeedaba waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Waxaynu maanta joogna maalin farxad u leh xaafada sheikh nuur oo diinta sharaf u leh, maanta waxaa halkan laga gudbinayaa maalin diimeed ayaa laga gudbinayaa , inuu dhaqan wanaagsan bilaabmo ayaa laga gudbinaya, waxaa halkan laga gudbinayaa inaynu furanay xafiis u shaqeeya diinta oo gudid wanaag farista iyo xumaan reebsitu ay maamuli doonto”
Sidoo kale waxaa munaasibadaasi ka hadlay badhasaab ku xigeenka maroodi jeex cabdirashiid axmed maxamuud waxaanau si adag uga hadlay dayaca ku yimi diinta islaamka, waxaana ku dardaarmay in diinta iyo dhaqanka wanaagsan boodhka laga tumo hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa”Nabigu SCW waxa uu yidhi umadaydu haday adduunyada waynayso , aakhirana ay yaraysato haybadda islaamnimada ayuu ilaahay ka faydaa, nabiguna wuxuu yidhi in bil loo soo socdo (masaafo) ayaa la iga baqaa, haybadaas ayaa inaga luntay waxaynu qiimaha ku lahayn ayaynun luminay, maanta waxaynu arkaynaa tacab bilaa barako ah oori bilaa barako ah caruur bilaa barako ah , walaalayaal diinta ilaahay oo aynu gargaarno oo isna inoo gargaara ayaynu ku hagaagaynayaa” sheekha xaafada Shekh Maxamed Muuse habane oo isna halkaasi ka hadlay ayaa computer shaqo guddoonsiiyey saldhiga xaafada sheikh nuur”waxaan halkan aan kusoo dhawaynayaa wasiirka diinta iyo awqaafta, waxaa kale oo aan halkan isku soo taagay inaan guddoonsiino saldhigeena computer kaasoo saldhigeenu ubaahanyahay waxaanan udhiibaya wasiirka diinta iyo awqaafta si uu uga wareejiyo hogaanka ciidanka bilayska JSL”
Ugu dambayntiina waxaa halkaasi ka hadlay wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay” waxaynu ka guddoonay compuertkan guddoomiyaha gudida wanaag farista ee xaafada Sheekh Nuur haddii iminka iyagoo shaqadii bilaabaya ay computer ku bilaabeen wax ka wayn ayay soo wadaan, xaafadanina waa xaafad ayaan badan, waxaa iskugu timi intaas oo masuulyiin ah sidii ay furi lahaayeen xafiiska wanaag faritsa iyo xumaan reebista waxaynu nahay umaddii ugu khayr ka badnayd ee ilaahay adduunka keenay waxaana aynu ku noqonay khayrk oo aan isfarno iyo xumaha oo aan iska reebno, qofka muslimka ahi waa libaax waxaana loo baahanyahay in xaafada sheekn Nuur ay libaaxyo iyo goolal kazoo baxaan”.sidoo kale xafladaasi wax aka hadlay gudoomiyaha iyo kuxigeenka gudida wanaag farista qaranka taliyaha qaybta bari ee Hargeysa, taliyaha xaafada Sheekh nuur, hogaanka guud ee ciidanka bilayska dhamaantoodna waxay carrabka doorka ay diintu ku ciyaarto aminga loona baahan yahay in la ilaaliyo.








