Kadib wada hadal todobaadkii u danbeeyey u socdey Xukumadda aan aqlibaydda haysan iyo Xisbiyada midigta Alliansen ayey isku raaceen in meesha laga saaro doorashadii dheeraadka ahayd ee raysalwasaaraha Sweden Stefan Löfven uu ku dhawaaqey bilowgii bishan Diseember 2014, Doorashada la baajiyey ayaa lagu wadey in ay dhacdo 22 Maarso 2015, kadib markii miisaaniyadda xukuumadda ay soo dhiseen Xisbiga Shuuciga Dimoqraadiga ah iyo Xisbiga Dooggu ay noqotey mid socon weydey oo loo codeeyey Miisaaniyaddii kale ee ay soo diyaariyeen Xisbiyada mucuaaradka ah ee dhanka Midogta loona yaqaan Alliansen.
Raysalwasaaraha Sweden Stefan Löfven, hoggaamiyaha Xisbiga Dooga MP, iyo Hoggaamiyaasha Xibsiyada Midigta ee Alliansen ayaa wada hadal dheer oo u socdey todobaadkan ku heshiiyey in Xukuumadda ay sida wadajirka ah u soo dhiseen Xisbiya Casaanka-Dooga ah ay ku shaqeeyaan miisaaniyaddii la meel mariyey ee ay soo gudbiyeen Xisbiyada Midigta ee hantigoosadka, Xukuumadda ayaa ahaaneysa mid aan aqlabiyad haysan waxaase ay wada shaqeyn la ahaanayeen Xisbiyada Alliansen, iyada oo loo oggolaadey in meelaha qaar ay la imaan karaan wax ka beddeli karaan Miisaaniyadda.
Hoggaamiyaasha Xisbiyada heshiisku dhex arey ayaa 10:30 wqtiga Sweden saxaafadda si wada jir ah ula hadley waxayna u soo bandhigeen heshiiska ay wada gaareen, Stefan Löfven ay sheegey in dalka Sweden dhaq u lee yahay in ay xaliyaan xaajooyinka murugsan sida tan oo kale.
Xisbiga Shuuciga ee Bidixda fog “Vänsterpartiet” iyo Xisbiga Socialdemokraterna SD ee ajnabi naceybku madax marey ayaan ka qayb-qaadan wada hadaladan isla markaana banaanka ka jooga.
Arrintan ayaa soo afjareysa 8 todobaad oo siyaasada dalka Sweden ay ahayd mid aan cago ku taagneyn, kadib markii Xisbiga SD ee barnaamijkiisa dhan yahay ajnabi nacaybku uu diley Miisaaniyaddii Xukuumadda Casanka-Doogu soo dhistey isla markaana u codeeyeen miisaaniyaddii mucaaradka ee Xisbiyada Alliansen. Kadib waxaa Raysalwasaraha Sweden ku dhawaaqey in doorasho labaad la qabanayo oo aanu ku shaqeyn karin Miisaniyadda hantigoosadka, taas oo noqoneysa markii labaad ee Sweden ay ka dhacdo doorasho dheerad ah ama waqtigedi laga soo hormariyey muddo 56 sano ah.
Si kastaba ha ahaatee dadka ka falooda siyaasadda Sweden ayaa sheegaya in cidda keliya ee sida weyn uga faa’ideysanaysa doorasho labaad ay tahay Xisbiga Sverige Socialdemokraterna kuwaas oo guusha u badan ay raacdey doorashadii dhacdey September 2014








