Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo si diiran loogu soo dhaweeyey Qardho

0

???????????????????????????????Waxaa maanta magaalada Qardho soo gaaray wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka xukuumadda Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Camey.

Madaxweyne ku xigeenka iyo wafdigiisa ayaa marka hore ka soo ambabaxay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, isla markaana ku wajahan magaalada Bosaaso ee xarunta gobalka Bari, balse saacado ku sugnaa magaalada Qardho.

Dadweyne farabadan oo ay ka mid yihiin maamulka gobalka karkaar, kan degmada Qardho, saraakiil, nabadoono, siyaasiyiin, waxgarad, isimo, dhalinyaro, iyo haween ayaa Madaxweyne ku xigeenka iyo wafdigiisa kaga hortagay duleedka magaalada Qardho, iyadoona markii dambe u soo galbiyey gudaha magaalada.

Madaxweyne ku xigeenka oo la hadlay shacabkii ku soo dhaweeyey magaalada ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay sida wanaagsan ee ay ugu soo dhaweeyeen magaalada Qardho oo ah xarunta Dhaqanka ee Puntland, waxaana uu kulan xog wareysi ah la qaatay maamulka gobalka karkaar, kan degmada Qardho iyo bulshada qeybaheeda kale duwan.

Eng. C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah uu ka qeyb galo doorashada rugta ganacsiga, taasi oo ka dhaci doonta xarunta rugta ganacsiga ee magaalada Bosaaso.