Hargeysa(AN) Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa Sanadka Cusub waxa ay Golaha ka Caydhiindoonan Xildhibaano Baddan oo aan ka soo Xaadirin kalfadhiyo baddan oo Golahaasi uu lahaa,
Warar Xogogaal ah oo aanu Helnay ayaa sheegay in Golaha Guurtidu Xildhibaanadaasi uu la Tiigsandoono Xeer Hoosadka Golaha oo sheegaya in Xildhibaanka ka Maqnaada Saddex kalfadhi oo ah 60 Maalmood Ama Labba Billood xeerkaasi uu qabanayo isla markaana Golaha uu dibada ka yahay, Halka Dastuurkuna uu dhigayo 20 kalfadhi Xildhibaanka Golaha ka Maqnaada uu Golaha Diibada ka yahay, waxanay Wararku sheegayaan in ay jiraan Xildhibaano baddan oo muddo dheer ka maqnaa Golaha kuwaasi oo Xeerka hoosadka iyo Dastuurkuba uu qabbaanayo.
Sannadkii hore ayey ahayd Markii Golaha wakiiladu Dhawr Xildhibaan oo muddo dheer ka maqnaa golaha Xeer hoosadka Golahaasi uu dibada Dhigay iyada oo Xildhibaano kale lagu soo beddelay.
Arabsiyo.net
Hargaysa Desk








