Madaxweynaha Somaliland oo meelmariyey, Dhaqan-galka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer

0

Hargaysa(AN) Madaxwayanaha S/land Axmed Maxamed Maxamudd (Siilaanyo)  waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahayJSL/M/WM/240-2867/122014            ku meelmariyey, Dhaqan-galka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007. warsaxafadeed ka soo baxay qasriga madaxtooyada S/land una ku sexeexna afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleeban Dhuxul  oo nuqul kamid ahi soo gaadhay shabakada Arabsiyonews.com ayaa waxa uu udhignaa sida tan

 

Date: – 24/12/2014

WAR-SAXAAFADEED

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahayJSL/M/WM/240-2867/122014            ku meelmariyey, Dhaqan-galka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007.

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:         Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay:         Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay:         Go’aanka Golaha Wakiillada Go’aan Lr. GW/G/KF-27642/2014 ee

                                    ku taariikhaysan 06/12/2014 ee ay ku ansixiyeen Wax-ka-bedelka

                                    iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha

Xeer Lr. 37/2007

  

 

Wuxuu soo saaray

 

Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Wax-ka-bedelka          iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Axmed  Saleebaan  Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.