Madaxwaynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo doraad dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho, ka dib wadahadalladii Jabuuti ku dhex maray dhiggiisa Somaliland, ayaa shacabkiisa uga waramay waxyaabo ka duwan qodobbadii ka soo baxay wadahadallada, waxaanu sheegay in sanadka 2015-ka oo bilowgooda loo ballamay wejiga labaad ee wada hadalladaasi uu noqon doono sanad horumar laga gaadho qorshahiisa midnimo doon.