Anigu Dhibaato Uma Arko, In Beeshoodu Kala Reebto Siyaasiyiinta KULMIYE Ee Arrinka Reeraysan Wada, Waayo Go’aanka U Dambeeyaa Waxa Leh Shirka Golaha Dhexe”. Guddoomiye Waabeeyo

0

images-1-150x150Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, ayaa ka hadlay wadahadalladii dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya ugu soo gabogaboobay Magaalada Jabuuti iyo weliba khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Musharaxnimada Madaxwaynaha ee xisbiga KULMIYE.

Xildhibaan Waabeeye, waxa sheegay inaanu wax dhibaato ah u arkayn in Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Arrimaha dibadda ay ku dhex loolamaan beeshooda dhexdooda, inkasta oo uu go’aanka Musharaxa Madaxweynaha ee KULMIYE uu leeyahay shirka Golaha dhexe.

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee KULMIYE oo xalay u waramay Wargeyska Somalilandtoday ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya heshiiskii Somaliland iyo Soomaaliya ku gaadheen dalka Jabuuti, yidhi “Shirka ka dhacay waddanka Jabuuti ee ay ku wada hadleen Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu ahaa shir aad muhiim u ah, waxaanan doonayaa inaan halkan uga mahad celiyo Madaxwaynaha Jabuuti oo si walaaltinimo ku jirto u marti-geliyey shirkan oo iskugu yeedhay (Wufuudda labada dhinac)…”

Xildhibaan Waabeeye, oo sii hadlaya ayaa sheegay “Shirkan qodobbada ka soo baxay markaad eegtana waxaad mooddaa in tallaabo hore loo qaadey marka laga hadlayo wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, waayo qodobbada ka soo baxay way ka duwan yihiin qodobbadii hore, laguna dhiiraday arrimo badan, waxaana ka mid ah in heshiiskii laga gaadhay Maamulka hawada la sii wado oo la dhaqan geliyo, inaan deeqaha la siyaasadeynin iyo in lagu dhiirado arrimaha mustaqbalka” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Arrimahaasi oo dhami waxay ku tusayaan wanaag iyo in hore loo qaadey wadahadalladii socday. Qodobka kale ee muhiimka ahina waxa weeyaan in dawladda Jabuuti ay qayb ka noqoto wadahadallada, arrintaana aad iyo aad baan u soo dhaweynaynaa, waayo dawladda Jabuuti waynu iska xignaa dawladaha kale oo dhan, waana dawlad xog-ogaal ah oo meel wanaagsan ka geli karta oo wax ka qaban karta, guud ahaan marka la isku daro shirkaasi waxa ka soo baxay waxay ahaayeen arrimo aad iyo aad u wanaagsan oo guud ahaan dadka Soomaalidu dareemeen, waanuna soo dhaweynaynaa haddii aanu nahay xisbiga KULMIYE”

Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, oo la waydiiyey sida uu arko loolanka beeshooda ku dhex maraya Guddoomiyaha KULMIYE, Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ku jawaabay “Arrinta ugu muhiimsan ee xisbiyada loo gelaa waa siyaasadda, arrinta imikuna waxay ka socotaa siyaasiyiin isku beel ka soo wada jeeda oo xisbiga KULMIYE ka wada tirsan, arrintooduna waxay ku kooban tahay deegaanka ay ka soo wada jeedaan (Muuse Biixi, Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis). Annaguna KULMIYE ahaan marka ay halkaa soo dhaafto ayuun baanu ka hadli karnaa, imikana reerka ayaan ku ixtiraamayaa, waayo waxa dhici karta in dunida kaleba arrimaha musharixiinta ka dhexeeya lagu xalliyo ama loo kala reebo si aynaan aqoonin, tanna inay qayb ka noqoto ayaa laga yaabaa…laakiin arrinka xisbiga waxa go’aamiya Golaha dhexe, waxan ka soo horeeya (shirka Golaha dhexe) anigu ma cambaareynayo oo ma diidani, hasa-yeeshee gabogabadu waxay noqon doontaa uun shirka Golaha dhexe” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey inaanu dhibaato u arkayn beesha Sacad Muuse kala reebto siyaasiyiinta isku haya Musharaxnimada Madaxwaynaha ee xisbiga KULMIYE “Anigu dhibaato uma arko (In beeshu Kala Reebto), waayo dal walba waxa uu leeyahay siyaasad-dhaqameed, oo waddan walba si gaar ah ayuu u dhaqmaa, markaa haddii aynu innagu nidaam qabiileed ku xallino oo hadhow wax lagu heshiis yahay uun ka soo baxaan anigu dhibaato weyn uma arko, cidda hawshaa gacanta ku haysana waanu ixtiraamaynaa, mana doonayo inaan imika ku dhex dhaco arrinta u socota habka reeraysan ee siyaasiyiinta KULMIYE ay wadaan”