Kulano Fool ka fool ah ayaa ilaa xalay u socday waddamada Somaliland iyo Soomaaliya, shirarkan oo qayb ka ah wadahadaladii labadan u dhaxeeyay

0

DSC_0057-150x150Kulano Fool ka fool ah ayaa ilaa xalay u socday waddamada Somaliland iyo Soomaaliya, shirarkan oo qayb ka ah wadahadaladii labadan u dhaxeeyay oo ay dalka Jabuuti marti galisay.

Laba guddi oo ma talaayay labada Madaxweyne ayaa ilaa xalay laha kulamo is dabajoog ah, kuwaas oo ay dawladda Jabuuti dhex ka ahayd.

Wasiirka arrimaha debadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, oo Saxaafaddu waydiisay halkay kulamadu marayaan, wuxuu si kooban u sheegay in wadahadaladii iyo doodihii socdaan, war rasmi ahina soo bixi doono. Labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya aya la filaaya inay wixii laysku afgarto saxeexan galinka hore ee Maanta