Booliska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigey qaraxyadii dhacay sanadkan dhamaadka ah ee 2014.
Booliska oo habeenkii xalay xaflad dabaaldeg ah ku xusaayey sanadguuradii 71 ee ka soo wareegtey maalintii la saasey Booliska, ayaa waxaa ka hadley Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Gen. Maxamed Cumar Madaale.
Taliyaha ayaa sheegay in sanadkan ay diiwaanka geliyeen 16 qarax oo ka dhacay gobolka Banaadir, waxaana isku dar ku dhimatey 102 qof, oo isugu jira, masuliyiin dowladda ka tirsan, askar iyo dad rayid ah.
Dhamaan qaraxyada dhacay ayuu sheegey in ay fuliyeen ururka al-Shabaab.
Madaale ayaa sidoo kale sheegey in Booliska iyo laamaha amnigu ay ka hortageen qaraxyo kale oo badan.
Arabsiyonews.com
Muqdisho office








