Askar Maraykan Ah Oo Lagu Laayey New York

0

141221015432_newyork_624x351_ap_nocredit-150x150Laba askari oo ka shaqeyneysay magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa nin hubeysan uu toogasho ku dilay, kaddib qofka toogtay oo ku cararay wado dhulka hoose marta ayaa isna isdilay.
Markii ugu dambeysay ee magaalada New York lagu dilay askari waxay ahayd 2011-kii.

Weerarka lagu qaaday labada askeri ee la dilay ayaa si la yaableh uga dhacay magaalada ugu weyn Mareykanka.

Labadan booliiska ah waxay roondo ku marayeen qeybta Bedford-Stuyvesant ee Brooklyn.
Iyagoo dhex fadhiya gaadhigooda, ayaa nin hubeysan waxa uu ku furay rasaas. Labadaba waxaa loo qaaday cisbitaal, waxayna u dhinteen dhaawacyadii soo gaadhay.
Toogashadan ayaa imaneyso iyadoo askarta New York aad isha loogu hayo farsamooyiinka ay isticmaalaan.
Horraantii bishan, xeerbeegti ayaa diiday in dacwad lagu oogo askeriga dilay nin madow ahaa oo lagu magacaabay Eric Garner.
Go’aankaasi waxa uu sababay dibadbaxyo ka dhacay magaalada New York iyo magaalooyiinka kale ee Mareykanka lamana garanyo in dilka askartani uu la xidhiidho falkaas hore u dhacay