Shirkada SONY qeybteeda soo saarta Aflaamta lagu sameeyo Maraykanka ee Hollywood ayaa joojisay filim lagu matalayo in la khaarajinayo Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim jong Un.
Filimkan oo loogu magacdaray (The Interview) ayaa ah mid maaweelo iyo qosol ah ayaa lagu matalayaa rag suxufiyiin iska dhigaya oo ay sirdoonka Maraykanka CIA u dirayaan dalka Kuuriyada Waqooyi si ay u khaarajiyaan hogaamiyaha dalkaasi.
Balse Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaan wax qosol ah dhankeeda kasoo yeerin isla markaana ku eedaysay filimkan inuu meel ka dhac ku yahay hogaamiyahooda. Xukuumada Kuuriyada Waqooyi ayaa ku tilmaamtay filimkan weerar Argagaxiso.
SonyAvatorLaba todobaad kahor ayaa weerar lagu qaaday Computerada shirkada Sony waxaana halkaasi lagala baxay xog badan oo ay kamid yihiin Filimaan aan weli lasoo saarin iyo waliba qoraalo xasaasi ah oo ay isdhaafsanayeen madaxda shirkada SONY, taasi oo fadeexad horleh keentay.
Kooxda la baxda “Illaaliyayaasha Nabada” (The Guardian of Peace) ayaa sheegtay inay fuliyeen weerarkaasi lagu jabsaday Computerada shirkada SONY, waxaana la sheegay in kooxdan ay ka danbeyso dowlada Kuuriyada Waqooyi, sida laga soo xigtay hay’ada danbi Baarista Maraykanka ee FBI.
Shirkada SONY ayaa waji gabax kala kulantay kadib markii kooxda jabsatay Computeradooda ay internetka ku faafiyeen Qoraalo Email- ah oo ay is dhaafsadeen madaxda shirkada SONY iyo Soosaarayaasha Filimaanta kuwaasi oo qaarkood xamanayey ama aflagaadeenayey qaar kamid ah Atoorayaasha iyo Atiriishooyina filimaanta jila.
Waxaa kamid ahaa qoraalada la shaaciyey Email mid kamid ah maamulka sare ee SONY ay ku dhaliilayso Madaxweyne Barack Obama inuu kaliya daawado filimaanta Madowga ka hadlaya, taasi oo ku khasabtay SONY inay raali gelin ka bixiyaan.
Kooxda weerarka ku heysa SONY ayaa sidoo kale sheegtay inay si lacag la’aan ah Internetka ugu faafin doonaan Filimaan ay shirkada SONY sameysay oo ay kala baxeen computeradeeda oo uu ku jiro filimka cusub ee James Bond (The Spectre).
Intaas kuma ekaan, kooxdan ayaa hanjabaad kale la timid iyagoo sheegay in hadii SONY shaaciso filimka (The Interview) ay weerari doonaan Shaneemooyinka lagu soo bandhigo filimkan.
SONY ayaa shaacisay inay hakisay soo bandhigida filimka iyadoo ay muuqato inay saameyn yeelatay hanjabaadii ka timid kooxda jabsatay Computerada shirkadaasi.
Arabsiyonews.com
Hargeisa office








