Maraykanka & Kuba oo isdhaafsaday Maxaabiis

0

Maraykanka ayaa siidaayey 3 nin oo kamid ahaa sirdoonka dalka Kuba (Cuba) kuwaasi oo xabsiga lagu hayey tan iyo 1998dii. Xukuumada Cuba ayaa sidoo kale siideysay muwaadin dalkeeda u dhashay oo la shaqeyn jiray sirdoonka Maraykanka.

Tilaabadan Maxaabiista la isku-weydaarsaday ayaa qeyb ka ah siyaasada cusub ee Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ku doonaya in dib loogu soo cesho xiriirkii diblumaasiyadeed ee labada dal ee ka dhaxeysay. Dalalka ayaa muddo gaareysa 54 sano xiisad ka dhextaagneyd.

Xiriirka Diblumaasiyada u dhaxeysay Maraykanka iyo Kuba oo go’anaa muddo ka badan nus Qarni ayaa markii ugu horeysay u muuqda mid soo hagaagaya sida uu Sheegay hogaamiyaha dalka Kuba Raul Castaro oo soo dhaweeyey siyaasada cusub ee Obama.

Balse dowlada Kuba ayaa codsaneysa in si dhameystiran looga qaado cunaqabateynta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee Maraykanka saaray jasiirada Kuba, taasi oo dib u dhac weyn ku keentay dhaqaalaha dalka Kuba.

Go’aanka Obama ayaa hada wadada u baneenaya in la qaado qeyb kamid ah ganacsigii ka dhaxeeyey labada dal oo isu jira masaafo dhan 170km, walow dalalkaasi cadow isu arkeen tan iyo sanadihii lixdamaadka, xiligaasi oo uu Maraykanka xataa isku dayey inuu qabsado jasiirada Kuba, marar badana sirdoonka Maraykanka ay damceen inay dilaan hogaamiyihii Kuba Fidel Castro.

Arabsiyonews.com
Washiton office