Mooshin lidi ku ah Isra’iil oo Golaha Amaanka la horgeeyey

0

Wadanka Urdun (Jordan) oo xubin ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u gudbiyey golahaasi mooshin looga codsanayo Isra’iil inay ciidamadeeda kala baxdo dhulka la heysto ee Falastiin.

Mooshinkan ayaa qaadan doona muddo inay soo akhristaan xubnaha Golaha Amaanka iyagoo markaasi kadib u go’aansan doona inay cod u qaadaan Mooshinka oo Qaraar laga soo saaro ama in lagu bedalo wadahadal hoose.

Dowlada Falastiin ayaa xiligan olole ugu jirta in Qaramada Midoobay ay wakhti u qabato Isra’iil inay uga baxdo dhulka Falastiin ay heysato dibna ugu noqoto xuduudihii dagaalkii 1967 si loo dhiso Qaranka Falastiin oo madax-banaan.

Balse Mooshinka hada horyaal Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inuu horjoogsado dalka Maraykanka oo awooda qayaxan ee VETO power ku leh Golaha Amaanka.

Maraykanka ayaa horey u sheegay inuu horjoogsan doono go’aankasta oo ka dhan ah Isra’iil, balse ku baaqay in marka hore Falastiiniyiinta iyo Isra’iil heshiis dhexdooda ah gaaraan.

Arabsiyonews.com
New yourk office