Maxkamadda EU oo sheegtay in Xamaas laga saaro Diiwaanka Argagaxisada

0

Maxkamada ugu sareysa Midowga Yurub ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqday in laga saaro listiga argagaxisada ururka Xamaas ee reer Falastiin.

Xamaas ayaa ku jirtay diiwaanka kooxaha Argagaxisada ee Midowga Yurub  tan iyo sanadkii 2001, balse ururka Xamaas ayaa maxkamada EU u gudbiyey dacwada ah in laga saaro diiwaanka argagaxisada.

Go’aanka Maxkamada sare ee EU ayaa lagu sheegay in markii hore qodobo aan sharci ahayn loo adeegsaday in Xamaas lagu daro listigada ururada ama kooxaha geysta falalka Argagaxisada ah.

Dalalka Midowga Yurub ayaa racfaan ka qaadan kara go’aanka Maxkamada, isla markaana markale maxkamada usoo gudbin kara dacwad ka dhan ah Xamas oo wadata cadeynmo qeexaya in ururkaasi uu geystay falal argagaxiso.

Inta ay dhamaaneyso dacwada racfaanka ayaa la filayaa in aysan wax weyn iska bedali doonin cunaqabateynta Midowga Yurub ee saaran ururka Xamaas, waxaana sidoo kale hada danbi ka ah dalalka EU in dhaqaale lagu taageero ururka Xamaas.

Arabsiyonews.com
Falastiin. office