ep Bush oo horey usoo qabtay Guddoomiyaha Maamul gobaleedka Florida ee dalka Maraykanka ayaa sheegay inuu damacsan yahay inuu u tartamo xilka Madaxweynaha doorashada 2016.
Jep ayaa la dhashay Madaxweynihii hore Geore W Bush ee xilka ka degay 2008, sidoo kale Aabihiis ayaa horey xilka Madaxweynaha usoo qabtay.
Jeb ayaa horey taageero badan ugu lahaa gobalka Florida oo uu ku guuleystay doorashada Guddoomiyaha labo mar, balse xiligan waxaa la isweydiinayaa inuu ku guuleysan karo tartanka Xisbiga Jamhuuriga dhexdiisa isaga soo xuli doonaan murashaxooda.
Xisbiga Jamhuuriga oo uu Jeb Bush xubin ka yahay ayaa doonaya inay la wareegan Xafiiska Madaxweynaha doorashada 2016.
Balse Jeb ayaa caqabada ugu weyn ee hortaagan ay tahay siyaasadiisa ku aadan in cafis loo fidiyo iyo magangelyo dadka soogalootiga ah ee ku nool Maraykanka, halka inta badan taageerayaasha Xisbiga Jamhuuriya iyo siyaasiintiisa ay kasoo horjeedaan arrintaasi.
arabsioyonews.com
washiton office








