Raysalwasaaraha Australia Tony Abbott oo su’aalo badan laga weydiiyey ninkii geystay weerarkii iyo afduubkii ka dhacay makhaayada Lindt ee magaalada Sydney maalintii Isniintii ayaa sheegay in dowlada ay wado baaritaan balaaran oo ku aadan sababta ninkaasi horey xabsiga looga soo siidaayey.
Man Haron Monis oo ahaa ninkii weerarkaasi geystay ayaa ku dhashay dalka Iran, isla markaana magangelyo ka helay dalka Australia. Ninkaasi oo sheegan jiray inuu yahay Wadaad shiico ah ayaa markii danbe sheegtay inuu Sunni noqday.
Haron ayaa horey dacwado loogu soo oogay kadib markii qoraalo hanjabaad ah uu u diray ehelada iyo qaraabada askarta Australia ee kasoo dagaalamay dalalka Afghanistan iyo Ciraaq. Waxaa sidoo kale ninkan loo heystay dacwad ah inuu ku lug lahaa dilkii Xaaskiisii hore. Balse ninkan ayaa lagu siidaayey damiin.
Dhinaca kale waxaa soo baxday in ninkan uu ku noolaa lacagta cayrta ee dowlada Australia bixiso isla markaana uu heystay sharciga qofka uu ku qaadan karo hubka. Arrimahan oo waji gabax ku ah dowlada Australia oo horey u heysatay xogta ninkan.
Raysalwasaare Tony Abbott oo maanta oo Arbaca ah shir jaraa’iid qabtay ayaa sheegay in ka jawaabi doonaan dhamaan su’aalaha ay shacabka qabaan marka uu baaritaanka dhamaado.
Dowlada Australia ayaa sheegtay in qofkii rayidka ahaa ee ku dhintay Afduubkii Makhaayada uu gacantiisa ku dilay Man Haron Monis kahor intaysan booliiska goobtaasi gelin oo aysan dilin ninkaasi u dhashay dalka Iran.
Dhinaca kale Dowlada Iran ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in hada kahor ay ka codsatay xukuumada Australia in loo soo gacan geliyo ninkaasi Man Haron Monis oo dacwado looga heystay wadanka Iran, balse ay dowlada Australia diiday inay ninkaasi u tarxiisho wadankii uu kasoo cararay ee Iran.
Aerabsiyonews,com
Australia office








