Booliiska Turkiga ayaa Axadii shalay gudaha u galay Telefishinada la sheegay inay xiriirka la leeyihiin Wadaadka lagu magacaabo Fethullah Gülen oo uu loolan siyaasadeed ka dhaxeeyo Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan.
Fethullah Gülen ayaa horey uga mid ahaan jiray Isbaheysiga Erdogan ee xisbiga islaamiga ah ee AK Party balse sanadihii lasoo dhaafay labada nin ayaa si weyn ugu kala fogaaday dhanka siyaasada
Erdogan ayaa sheegay Wadaadkan Fethullah Gülen oo hada ku nool dalka Maraykanka inuu qorsheenayey inqilaab ay xilka kula wareegaan kooxdiisa. Fethullah Gülen ayaa la sheegay inuu taageerayaal badan ku dhexleeyahay ciidamada Booliiska iyo waliba Garsoorka Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa ku eedeeyey Fethullah Gülen inuu ka danbeeyey fadeexad la xariirta musuq maasuqa oo dhawaan lagu eedeeyey xukuumada Erdogan, arrintaasi oo warbaahinta si weyn uga hadashay.
Sadex maalmood kahor ayuu Erdogan shaaciyey inuu qaadi doono tilaabooyin adag oo uu uga hortagayo kooxo si qarsoodi ah u doonaya inay u inqilaabaan dowlada la doortay ee Turkiga.
Xubnihii ay booliiska xabsiga u dhaadhiciyeen ayaa waxaa kamid ahaa Labo Taliye Booliiska oo xilka horey uga tagay iyo waliba qaar kamid ah maamulka Telefishinada Turkiga iyo ragga wax qora.
Tilaabadan ayaa waxaa si weyn u cambaareeyey Midowga Yurub oo xiligan wadahadal kula jiray Turkiga sidii uu ugu biiri lahaa Midowga Yurub.









