Puntland oo ka qayb gashay Shir looga hadlayey Tahriibka iyo khatarihiisa

0

tahriib-348x280Dalka Tanzania waxaa todobaadkan lagu qabtay shir looga hadlayey arrimaha Tahriibka iyo Khataraha tahriibka waxaa shirkan lagu casuumay dalal dhowr ah oo Soomaaliya ka mid tahay waxaana Soomaaliya uga qayb galay Agaasimaha Guud Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Puntland.

Agaasimaha Guud Socdaalka iyo Jinsiyadaha Puntland C/rashiid Sh Cali oo shirkan uga qayb galay Puntland ayaa waraysi uu siiyey warbaahinta gudaha kaga hadlay qodobadii ka soo baxay shirkan, isagoo sidoo kale sharaxay sida loo yarayn karo tahriibka iyo ganacsiga dadka.

C/rashiid waxa uu sheegay in shirka diirada lagu saarayey sanadkan ka ganacsiga carruurta la tahriibiyo iyo ka hortaga fududeynta tahriibinta dhalinyarada, wuxuu sheegay in si qoto dheer looga hadlay dhibta ay la kulmaan carruurta lagu tahriibiyo in loo geynayo waalidiintood ama shaqo wanaagsan la siinayo oo uu sheegay in ugu dambayntii laga ganacsado jirkooda ama si qaldan loogu shaqaysto.

Agaasimaha oo wax laga weydiiyey qodobada ay ku soo bandhigeen shirka ayaa sheegay in Puntland ahaan iyo Soomaaliya oo ay matalayeen in ay ku soo bandhigeen shirka dhibaatada uu tahriibku u geystay dhalinyarada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in sidoo kale ka sheegeen shirka barnaamijyada ay dhalinyarada ugu tala galeen ka jihaynta arrimaha tahriibka.

 Shirkan looga hadlayey arrimaha tahriibka iyo ganacsiga dadka oo sanadkasta lagu qabto mid kamida dalalka Africa ayaa sanadkan Soomaaliya waxaa uga qayb galay Dowladda Puntland oo ay ka jiraan tahriibka dhalinyarada iyadoo ay jiraan wacyigelin ay wadaan ururada Bulshada.