New York (AN) Warbixin dhawaan la soo saaray ayaa CIA-da Maraykanka ku eedeysay falal ka dhan ah bini-daanimada iyo ku xadgudub gebi ahaanba sharciga baal marsan.
1.Hababka baadhista oo la adeegsaday xeelado aad u dhibaato badan iyo adeegsiga habab aan hore loo ogeyn.
Warbixintani waxay sheegeysaa in la adeegsaday biyo aad u farabadan oo maxaabiista lagu sii deyn jiray taas oo mararka qaar sababi jirtay in maxaabiistu ay wajahaan xaalado adag, iyaga oo mararka qaar qarka u fuuli jiray in ay geeriyoodaan.
CIA-du waxay hore u qiratay in ay jireen sadex maxbuus oo si x d-dhaaf ah loogu adeegsan jiray biyo madaxa loo geliyo ka dibna laga soo saari jiray marka uu naqasku ku xidhmo si ay uga jawaabaan su’aalaha la weydiinayo, laakiin waxaa la sheegay in tacadiyadan lagula kacay maxaabiis kale oo aad u farabadan.
Warbixintani waxa ay sheegeysaa in maxaabiista mararka qaar lagu khasbi jiray in ay seexdaan iyaga oo aan haysan furaash,cunto iyo sidoo kale waxyaabaha kale ee muhiimka ah, sidoo kale waxaa la sheegay in maxaabiista lagu khasbi jiray in xaga danbe cuntada ay ka qaataan iyaga oo mararka qaar loogu hanjabi jiray in la dili doono.
Sidoo kale waxaa ay warbixintu xustay in falalka qaar ay sababeen in maxaabiista qaarkood ay la soo daristo dhibaato maskaxda ah,hurdo la’aan ,cuqdad iyo dhibaatooyin kale oo farabadan.
2.Habka Su’aalo weydiinta ee C.I.A-da waxaa loo maamulay si khaldan.
Warbixintani waxa ay muujineysaa in ay jirto in saraakiishu aaney ku qanacsaneyn aqoonta iyo waxqabadka dadka su’aalaha weydiinaya maxaabiista. Kuwa lagu helay in ay maxiisbta si xun ula dhaqmeen xiligii ay su’aalaha weydiinayeen ayaan la horkeenin wax maxkamad ah.
Hababka su’aalo weydiinta ayaa haba yaraatee la sheegay in aaney ku saleysneyn nidaamka saxda ah, waxaana CIA-du diiday in Congressku korka kala socdo iyada oo ay yareyd wax xoga ah oo laga heli karayey halka ay maxaabiistu ku jireen
3.CIA-du waxay marin habaabisay xubnaha congresska iyo Aqalka Cad.
Warbixintani waxa ay sheegeysaa in CIA-du ay warbixino been ah oo marinhabaabin ah siisay xubno ka tirsan Congresska iyo Aqalka Cad iyo sidoo kale agaasimaha hay’ada sirdoonka qaranka oo aan waxba ka ogeyn hababka loola macaamilo maxaabiista.
4. Baadhayaashii goobta joogay ee isku dayey in la joojiyo falalka arxan darada ah oo laga awood batay.
Qaar ka mid ah saraakiisha CIA-da ayaa isku dayey in ay soo gudbiyaan falalka ay dhibsadeen ee lagula kacayo maxaabiista iyaga oo su’aal ka keenay sharci ahaanshaha arimahan. Laakiin masuuliyiin sar sare oo ka tirsan CIA-da ayaa u sheegay in nidaamka su’aalo weydiinta ee ay dhibsadeen uu yahay ka la adeegsan doono mustaqbalka isla mar ahaanta uu yahay tijaabo.
5.Marar badan CIA-du waxay sheegtay tiro ka yar dadka lagula kaco xadgudubyada.
Warbixintu waxa ay sheegeysaa in CIA-du aaney marna sheegin warbixin si sax ah u sheegeysa dadka wajaha ciqaabaha adag iyo hababka su’aalo weydiinta ee sharciga ka baxsan. Hay’adu waxa ay sheegtay in ay haysato in ka yar 100 qof, laakiin dib u eegis lagu sameeyey macluumaadkii hay’adda sirdoonka ayaa lagu ogaaday in ay jireen 119 qof oo la hayey.
6. Ugu Yaraan 26 maxbuus ayaa si khalad ah loo haystay iyaga oo aan marin nidaamka xabisidda ee dawlada.
Warbixintu waxa ay xuseysaa in ay jireen ugu yaraan 26 qof oo maxaabiis ah oo si khalad ah loo haystay, kuwaas oo uu ku jiray nin maskax ahaan aan fayoobeyn oo loo adeegsanayey in uu xoga badan ka sheego qoyskiisa.
Waxaa aad u yaraa xog celinta hay’ada ee ku aadan sababaha maxaabiistu u xidhanyihiin iyo sharcinimada xabisidooda.
7.CIA-du waxay wariyayaasha siineysay warbixino sir ah oo ka badbadin ah si ay u hesho taageerada bulshada.
Warbixintu waxa ay xuseysaa in CIA-du ay warar iyo xogo sir ah siisay warariyaasha ,laakiin hay’adu mey amrin dabagal lagu sameeyo warbixinadan la sii daayey. Qaar ka mid ah saraakiisha sar sare ee CIA-da ayaa u sheegay saraakiisha ka hooseysa in ay warbixinada la wadaagi karaan warbaahinta iyaga oo ka badbadin ku sameynaya guulaha laga gaadhay hababka su’aalo weydiinta si hay’adu u hesho taageerada dadweynaha