Booliiska Australia ayaa sheegay in ay la xaajoonayaan nin hubeysan, saacado kaddib markii uu tiro dad ah ku afduubtay maqaayad ku taal magaalada Sydney

0

141215093521_sydney_hostage_512x288_apBoqolaal boliis ah oo aad u hubeysan ayaa isku gadaamay dhismaha maqaayadda, waxayna xireen agagaarka goobta Martin Place.

Waxaa la arkayay 5 qof oo ka baxsanaya maqaayadda dadka lagu haysto, balse ku xigeenka booliiska gobolka New South Wales , Catherine Burn, ayaa diidday inay kala cadeeyso in dadku ay soo baxsadeen iyo in la soo daayay.

Catherine Burn Ma aysan xaqiijin in booliiska ay heleen dalabyo uu u soo gudbiyay ninka hubeysan sida la sheegay in lagu baahiyay baraha bulshada.

Calan madaw, oo ay ku qoran tahay qoraal Carabi ah ayaa muddo kooban ka soo muuqday daaqadda maqaayadda dadka lagu haysto.

Australia
Khariidadda afduubka maqaayadda Australia

Ra’iisal wasaaraha Australia, Tony Abbott, ayaa sheegay in dhacdadaan laga yaabo in ay xiriir la leedahay arrimo siyaasadeed