In kabadan 15 qof oo u badan carruur ayaa u geeryooday biyo sumaysan oo ay ka cabeen ceel ku yaala Degmada Yaaqshiid gaar ahaan xaafada Juungal sida uu ku soo waramayo wariyaha Horseed Media ee Muqdisho.
Wariyaha ayaa sheegay in ceelkan ay dadka xaafada ka cabayeen biyaha ilaa xalay xaafadaha ka agdhowna isla xalayba ay ka dilaaceen shuban iyo xanuunka sunta biyaha oo aan la aqoon waxa sababay.
Dhamaan dadkii ku xanuunsaday biyahan sumaysan ayaa lagu dabiiabayaa gudaha isbitaalada Muqdisho iyagoo kor udhaafay dadka isbitaalada yaala 50 Qof oo isugu jira carruur, Haween iyo dad waayeel.
Ciidamada nabad sugida iyo booliska ayaa la wareegay ceel biyoodkii xaafada Juungale iyagoo xiray dhamaan shaqaalaha ceelka albaabadana iskugu laabay ceel biyood waxayna baaritaan ku samaynayaan sababta keentay in ceelka uu sumoobo.
Arabsiyonews.com
Muqdisho office








