Saynisyahankii caanka ahaa ee Alfred Nobel ayaa dhimashadiisi ka hor ku dar-daarmey in hantida uu ka tegaayo ay noqoto Koonto laga abaalmariyo dadka hal-abuurka iyo aqoonta ku soo siyaadiya dunidan, ha ahaato mid aqoon ah ama hibooyin la siiyey.
Taariikhda la qoro abaalmarintii u horeysey ee Nobal waxaa la bixiyey 10 Diseember 1901, markaas oo ku beegan shan sano kadib dhimashadii Alfred Nobel. Markaas kadib waxaa abaalmarintan laga dhigtey caado in la bixiyo sanadkasta 10 Diseember, inkasta oo aan la bixin muddadii ay socdeen dagaaladii aduunka ee kowaad iyo labaad isku dar Nobel-ka nadda waxaan la bixin 17 sano tan iyo sanadkii 1901.
Abaalmarinta Nobol waxaa la guddoonsiiyaa kuwa wax cusub ku soo kordhiya aqoonta gaar ahaan Fiisigiska, Kimisteriga, Falsafadda & Dawooyinka, Suugaanta iyo Nabadda.
Afar ka mid ah abaalmarinta Nobel waxaa lagu bixiyaa dalka Sweden, halka Abaalmarinta Nabadda lagu bixiyo dalka Norway, sababtan ayaa lagu sheegey in dalalka Sweden & Norway aya ahaayeen hal dal markii uu noolaa Alfred Nobel.
Abaalmarinta Nobol-ka ayaa ahaan jirtey 10 Milyan oo Karoon lacagta Sweden ah laakiin sanadkii 2012 ayaa laga dhigey 8 Milyan oo karoon kadib markii dhaqaaluhu ku yaraadey Komishanka Nobel.
Sanadihii u dhexeeyey 1901 ilaa sanadkii 2014 waxaa Guddiga Nobel ay bixiyeen abaal marino gaaraya 567 abaal marin, waxaana kala qaatey 814 nin iyo 46 haween iyo 22 urur.
Sanadihii dambe waxaa Komishanka Nobel-ka nabaddu la kulmaayey dhaliiceyn ah in aysan siin abaalmarintan dadka istaahila, isla markaana la guddoonsiiyey dad aan nabadda u dhaq-dhaqaaqin qaarkoodna lagu abaal mariyey hadal iyo niyad wanaag aan waxqabad la socon.
Arabsiyonews.com
Hargeisa office








