Dalka Shiinaha oo sheegay in ay Soomaaliya ka taageerayaan adkaynta amniga

0

Wasaarada Arrimaha Dibadda dalka Shiinaha ayaa shaaca ka qaaday sida ay uga qayb qaadato howl galo amniga lagu adkaynayo oo ka socda dalal Africa ku yaala oo Soomaaliya  ka mid tahay.

Afhayeen wasaarada Arrimaha dibadda ee Shiinaha Hong Lie ayaa sheegay in dowladda Shiinaha ay xoojinayso taageerada ay siiso dalal ay ka mid yihiin Maali, Soomaaliya, Jamhuuriyada Africaga Dhexe iyo dalal kale oo Africa ku yaal oo dhamaan tood ay ka socdaan howl galo lagu adkaynayo Amniga.

Mr Hong ayaa tilmaamay in ay horay u jireen taageero ay Soomaaliya u marsiiyeen midowga Africa oo ka dalbaday in ay la xoojiyaan howl galka AMISOM ee Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin ciidamo Africaan ah, Wuxuu xusay in taageeradii hore ay isku bedeli doonto mid toos ah ayna xiriir la samaynayaan madaxda Dowladda Soomaaliya.

Howl galka AMISOM ayaa ka socda koonfurta Soomaaliya dadaalna loogu jiro sidii dalka looga saari lahaa Ururka Al-shabaab.

 

Arabsiyonews.com

Muqdisho office