Kooxo hubaysan ayaa xalay saqdii dhexe waxay gurigiisa kala baxeen Agaasimaha wasaarada Haweenka iyo xuquuqul Insaanka dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar oo ku yaalay Degmada Waabari sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qaar ka mida shaqaalaha wasaarada haweenka.
Kooxdan oo aan la aqoon haybtooda ayaa ku hubaysnaa qoryo iyo bistoolado waxayna agaasimaha xili dambe ugu dhaceen gurigiisa ka dibna ka kaxaysteen iyadoo aan la ogeyn ilaa hadda meel ay la aadeen kooxdan.
Xaafadda uu deganaa Maxamed Cumar ayaa saaka lagu arkayaa ciidamo ka socda nabad sugida gobolka Banaadir iyo ciidamada Booliska oo howl gal baaritaan kuwada iyagoo waraysiyo la yeeshay dadka xaafada.
Xarunta wasaarada haweenka ayaa looga yeeray saxaafada si halkaa ay shir jaraa’id ugu qabato wasiirada haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Federaalka Khadiijo Maxamed Diiriye iyadoo ka hadli doonto falka lagu qafaashay Agaasimaha wasaarada.
Arabsiyonews.com
Muqdisho office








