Arabsiyo(AN) xaflad aad ubalaadhan oo ay soo agaasintay hayada wadaniga ah ee soha oo kaashanaysa isbahaysiga haweenka arabsyo ,xafladaas ayaa waxaa ka soo qaybgalay maamulka magaalada arabsiyo ,ka waxbarashada iyo xubno kasocda caafimaadka
waxa ugu horayn halkaa ka hadashay
Gudoomiyaha ururka isbahaysiga Arabsiyo Nimco Maxamuud Daauud waxaanaykawarantay sida ay diinteena suubani uxaramyeeshay tacadiyada lagula koco haweenka iyo waxkastoo dhib ku ah haweenka iyo Sidii meel loogasoo wada jeedsado dawlad iyo shacaba waxa kaloo halkaa ka hadashay agaasimaha hayada Soha ismahaan waxaanay sheegtay inay ka Soha ahaan ka qaybqaadanayaan 16 tonkii cisho ee loogu tala galay haweenka soomaaliland ay kaga qaybqaadanayaan wacyigalin ay kaqabanayaan Gobolka Gabiley oo ay Arabsiyina kamid tahay taasoo aanu kaga hadlayno sida haweenku oo ah warshashad waxsoosaar oo waxa dunida ugu qaalisan oo biniaadam ah marna aanay udhicin sidii hore udhici jirtay waxka dhan ah haweenka oo lagu dhiiri galiyo xaga aqoonta guntii iyo gabagabadii waxa soo afmeeray
Gudoomiyaha Dagmada Arabsiyood C/laahi Cabdi Faarax waxaanu sheegay Gudoomiyuhu in ay haweenku yihiin lama taabtaan isagoo ka dhawaajiyey in ay hooyooyinku meesha kasaaraan dhibka gudniinka oo ay iyagu hormood ka yihiin isagoo ugu baaqay dhalinyarada in ay haweenku yihiin nolasha badhkeed waxaanu ku dheerada C/laahi Cabdi Faarax in aan maanta loola dhaqmin sidii hore
Maanta oo kale ayaa dunida waxaa laga xusaa maalinta xuquuqda aadamaha iyadoo Magaalada Arabsiyana maanta lagu soo bandhigay kaalinta haweenku kaa mudan yihiin bulshada iyo qaabkii korloogu qaadi lahaa haday tahay ta aqooneed iyo ta ixtiraamka bulshada dhexdeeda
Arabsiyonews.com
Muuse Xuseen Xasan
Arabsiyo Office















