Wararka ka imaanaya Magaalada Tiyeeglow ayaa lagu waramayaa in siyaabo kala duwan loo dilay 7 Haween ahaa oo labo ka mid la sheegay in ay ku jireen ciidamada Booliska Degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool halka shanta kale shacabka magaalada ay ka mid ahaayeen.
Dadka magaalada Tiyeeglow ayaa faafaahinta ka bixiyey sida dilalka u dhaceen iyagoo warbaahinta u sheegay in labada Haween ee Booliska ka mid ahaa ay dileen fiidnimadii xalay kooxo ka tirsan Ururka Al-shabaab oo ay ku gowraceen duleedka magaalada Tiyeeglow.
Ciidamada Booliska ayaa subaxnimadii saaka bilaabay howl gala ay ku baarayaan cida dilkan fududaysay gacana ku lahayn waxayna ciidamadu soo qabteen tiro Haween ah oo lagu tuhmayey fududaynta iyo gacansiinta kooxda dilka geystay, waxaan shan ka mida Haweenka rasaas ku furay mid ka mida askartii booliska oo la sheegay in ay xaaskiisa ku jirtay labada Gabdhood ee ay dileen Al-shabaab.
Falkan ka dhacay magaalada Tiyeeglow ayaa ah mid ay si aad ah uga argagaxeen dadweynaha magaalada iyagoo sheegay in wax laga xumaado ay tahay falka ay kala geysteen Al-shabaab iyo ciidamada Booliska Degmada tiyeeglow.
Arabsiyonews.com
Tiyeeglow OFFICE








