waa maxay ujeedada ka danbaysa in midawga yurub uu booqdo turkiga

0

140902135505_mogherini_304x171_reuters_nocredit-150x150

IstanbulĀ (AN) Wafdi heer sare ah oo ka socda Midowga Yurub ayaa booqasho laba maalmood ah ku maraya dalka Turkiga, todobaadkan uun kaddib markii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu booqday dalkaasi.

Madaxa arrimaha siyaasadda Midowga Yurub Federica Mogherini ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu doonayo in uu xoojiyo xidhiidhka uu la leeyahay dalkaTurkiga.

Midowga yurub ayaa la filayaa in uu Turkiga cadaadis ku saaro in uu kala shaqeeyo dagaalka ka dhanka ah kooxda khilaafada Islaamka ee dalka Suuriya.
Turkiga ayaa in muddo sanado ah doonayay in uu ku biiro Midowga Yurub balse arrintaasi ayaa si gaabis ah u socota, waxaana mararka qaar sii xumaanayay xidhiidhka ka dhaxeeya labada dhinac.