Safaaradii UK ee Qaahira oo la xiray

0

Waxaa maalinimadii Axadii gebi ahaan la xiray safaaradii UK ku lahayd magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar.

Dowlada UK ayaan wax faah faahin ah ka bixin sababta ka danbeysa xiritaanka safaarada, balse waxaa la sheegay inay la xariirto arrimo dhanka amaanka ah.

Xukuumada UK ayaa kamid ah dowladaha sida tooska ah ulla shaqeeya dowlada Masar, waxaana la ogeyn in ay jirto khatar u wajahan xarunta safaarada iyo in kale.

Balse dowlada UK ayaa sheegtay inay sii shaqeyn doonto Qunsuliyada ay ku leeyihiin magaalada labaad ee Alexandaria oo ku taal waqooyiga Masar.

Arabsiyonews.com
Qaahira office