Diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil ayaa Axadii duqeymo u geystay goobo ku yaal magaalada Dimishiq ee caasimada dalka Siiriya.
Advertisements
Isra’iil ayaa lagu eedeeyey inay duqeysay labo xarumood oo ku yaal meel aan ka fogeyn Madaarka caalamiga ah ee magaalada Dimishiq. Sidoo kale diyaaradahan Isra’iil ayaa duqeymo kale u geystay magaalada Dimas oo ku dhaw xad u dhaxeysa Lubnaan iyo Siiriya.
Wax faah faahin ah lagama bixin goobaha la duqeeyey iyo khasaaraha ka dhashay, walow Telefishinka dowlada Siiriya uu shaaciyey duqeynta.
Ciidamada cirka ee Isra’iil ayaa horey duqeymo la beegsaday xarumaha militariga iyo hubka ee xukuumada Siiriya, tan iyo markii uu bilowday kacdoonka looga soo horjeedo xukuumada Bashaar Al Assad sanadkii 2011.
Arabsiyonews.com
Hargeisa office








