Dalalka reer Galbeedka ayaa qaarkood wada qorshayaal ay xarumo militari uga sameysanayaan dalalka Bariga Dhexe, waxaana wadamadan kamid ah dalka UK oo shaaciyey inuu balaarin doono saldhigii uu ku lahaa dalka Baxreyn.
Dowlada Maraykanka ayaa horey xarumo militari ugu lahayd qaar kamid ah wadamada Khaliijka, balse dalka UK oo horey ciidamadiisa ugala baxay Bariga Dhexe xiligii 1971dii ayaa hada shaqeegay inay wadaan qorshayaal lagu xoojinayo saldhigyo ay ciidamadooda ku yeeshaan Bariga Dhexe.
Wasiirka Gaashaandhiga ee Britain Philip Hammond ayaa sheegay in saldhiga ay ciidamadooda bada ku leeyihiin Baxreyn uu kaalin weyn ka ciyaarayo dagaalka ay kala soo horjeedaan kooxda ISIS ee ka dagaalameysa dalalka Siiriya iyo Ciraaq.
Hammond ayaa sheegay in tani ay tusaale u tahay wadashaqeynta balaaran ee ka dhaxeysa dalkooda iyo wadamada Khaliijka sidii loo adkeyn lahaa xiriirka militari si amniga gobalkaasi loo sugo.
Dhaq dhaqaaqa reer Galbeedka ku xoojinayaan saldhigyadooda militari ayaa kusoo beegmaya xili uu socdo dagaalka xulafada Maraykanka kala soo horjeeda kooxda ISIS, iyo waliba xili aan weli wax natiijo ah laga gaarin khilaafkii uu dhaxeeyey reer Galbeedka iyo dalka Iran oo ku aadan barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.
Arabsiyonews.com
Hargeisa office








