Prof. Jawaari Oo Xafiiska Ku Qaabilay Safiirka Sweden iyo Ergeyga QM ee Soomaaliya

0

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu horeyn waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Danjire Mikael Lindvall ayadoo kulankii xigayna uu Gudoomiyaha Baarlamaanka la qaatay Ergeyga Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire Niklos Key waxaana uu wadajir kala hadlay xaaladda dalka iyo sidii ay kusoo geba-geboobeen kulammadii Baarlamaanka.
DSC_3080
Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Danjire Mikael Lindval iyo Ergeyga Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire Niclos Key waxa ay si wadajir ah u ammaaneen sida ay kusoo gebageboobeen doodihii Baarlamaanka iyo kulankii codeynta mooshinka kalsoonida uu Baarlamaanka kala laabtay Xukuumadda Ra’isulwasaare C/weli waxaana ay dhanka kale wadajir u ballan qaadeen iney sii wadi doonaan taageerrada ay la garab taagan yihiin Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

DSC_3085
Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa uga mahad celiyey beesha caalamka taageerrada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya iyo sidii ay u tixgeliyeen codsigiisii la xiriiray in hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya loo siiyo fursad iney arrimahooda xal ka gaaraan oo aanan lagu faragelin.

Arabsiyonews.com
Muqdisho office