Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Cilmi, ayaa xukumada ka difaacay Eedaymihii hotel Crown

0

thumb

Hargeisa (AN)  Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Cilmi, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedo loogu jeediyey Xukuumadda, gaar ahaan Wasaaraddaas iyo Ciidammada Boolisku inaanay u gurman Rabshad ka dhacday Huteel Crawn ee magaalada Hargeysa Khamiistii inna dhaaftay, halkaasoo dhalinyaro dhagaxan ku hubaysani dhagax-tuureen Masuuliyiin iyo Taageerayaal ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

Wasiir Ku-xigeenka Amniga oo xalay Khadka Taleefanka ugu warramay ShabakadaWararka ee Waayeelnews, waxa uu sheegay in aanay jirin wax cabasho ah oo ka soo gaadhay Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, balse ay warbaahinta uun ka arkayaan eedaymo loogu jeedinayo Wasaaradda iyo Booliska, waxaanu ku dooday inay Booliska Saldhigga Jigjiga-yar iyo Taliyaha Qaybta Galbeedka Hargeysa u soo gurmadeen markii rabshadahaasi Huteel Crawn ka dhaceen Khamiistii.

“Waxaannu aragnay caawa (Xalay) Wasaaradda iyo Booliska oo uu eedaynayo Cismaan-Hindi oo rabshaddii maalintii dhawayd Huteelkiisa ka dhacday ku eedaynaya inaanay u soo gurman, warkaasi waa waxba kama jiraan, sal iyo raad toona malaha, ee Ciidamma Boolisku way u gurmadeen, Taliyaha qaybta Galbeedka iyo Saldhigga Booliska ee Jigjiga-yar ayaa u soo gurmaday, waajibkoodii baanay ka guteen oo iyayagu haddaanay u soo gurman waxaan qabaa in wax intan ka badani dhici lahaa, markaa Boolisku waajibkiisii waa gutay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirk ku-xigeenka Amniga ee arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Cilmi.

Cali Maxamed Cilmi, waxa uu sheegay inaanay jirin wax dacwad ah oo waddani u soo gudbiyey oo la xidhiidha khasaaraha ka dhashay rabshaddaas khamiistii ka dhacday barxadda hore ee Huteel Crawn, waxaanu yidhi; “Xisbiga WADDANI cid nooga soo ashkatootay iyo wax qoraal ah oo naga soo gaadhay oo la xidhiidha khasaaraha ka dhashay rabshaddaas ma jirto. Qofkuna markay wax gaadhaan sida caadada ah waxa waajib ah inuu la xidhiidho Hay’adaha ay khusayso isagoo qoraal ku geynaya cabashadiisa, cidda u geysatay iyo waxa gaadhayba. Taasina nagama soo gaadhin hadal iyo qoraal, keliya Warbaahintaa aannu eedaynta ka arkayno mooyaane.”

Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo ka jawaabayay inay jirto cid loo qabtay rabshaddaas, waxa uu yidhi; “Boolisku arrintaas iyo dadkii geystay waajibkiisa ayuu ka gutay, kollay Taliyaha ayaa xaqiiqada cidda ay qabteen, haya, laakiin Boolisku waa u gurmaday, waajibkoodana way ka guteen