War ka soo baxay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa lagu sheegay in 100 ka mida qaxooti Soomaaliyeed oo ku sugan dalka kenya gaar ahaan xerada dhadhaab in dib loogu celinayo dalka todobaadkan gudihiisa.
UNHCR ayaa warkan ku sheegtay shirkooda todobaadla ah ee ay yeeshaan maalinta Sabtida, waxay sheegeen weli ay socoto barnaamijkii dib u celinta Soomaalida Qaxootiga ee ku sugan gudaha dalka Kenya iyo xeryaha Qaxootiga ee dalkaas.
Tiradan dhan 100 ka qaxooti Soomaali ah ayaa maalinta berrito ah lagu wadaa in dalka dib loogu celiyo si ay marlabaad ula noolaad qoysaskooda gudaha Soomaaliya joogaa, Dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Hay’ada UNHCR ayaa sanadahii u dambeeyey ku guda jiray dib u celinta Soomaalida Qaxootiga ku ah Kenya.
Arabsiyonews.com
Hargeisa office








