Hargeysa (AN) Musharax ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan,ayaa Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo ku Eedeeyay inay faro galin ku hayso Guddida doorashada ee cusub oo ku hawlan inay doortaan hogaankooda.
“Komishankii Doorashada ee la ansixiyay laba todobaad ka hor waxay wali u cadilan yihiin Xukumadda oo faro galin dheeraad ah ku haysa oo ku faro galinaysa inay doortaan Gudoomiyahooda, ku xigeenka iyo Afhayeenka iyo inay bilaabaan Shaqadooda” ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan.
Mudane Cabdirashiid Xasan Mataan, waxa uu sidoo kale Xukumadda ku eedeeyay inay dalka ka abuurayso xaalado nabad galyo daro si ay u hesho Muddo kordhin “Maynaan arag Xukumad la yidhaahdo nabada ayay cadaw ku tahay, bari ilaa galbeed Xukumaddu waxay wadaa wax kasta oo abuuri kara khalkhal oo ay Bulshada iskaga horkeenayso, si ay ugu raadsato Muddo korodhsi” ayuu yidhi Cabdirashiid.
Waxa uu sidoo kale Cabdirashiid Xasan Mataan ku dooday in dalku ka dhintay dhanka Sharciga, isagoo tilmaamay in Xukumaddu Lacag dhafsanayso Sharciyada “Dalkani waxa uu ka dhintay Sharciga.Sharciyada dadkii aynu u dhiibanay iyo Xukumaddii burburinayso oo halkii ay ka ilaalin lahayd ugu talo gashay inay ku sarifto Lacagtii iyo Cashuurtii dadka laga Ururinayay”
Guggida Doorashooyinka oo maanta la dhaariyay ayaa la filayaa inuu dhawaan doorto hogaankiisa









