Xoghayaha Jaamacadda Carabta oo booqanaya Muqdisho

0

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda carabta Nabiil al-Carabi
Xogahayaha (Amiinka) guud ee ururka Jaamacadda Carabta Nabiil al-Carabi ayaa safar ku imaanaya magaala Muqdisho, safarkaas oo qaadan doono muddo saacado ah.

Nabiil al-Carabi waxaa safarkiisa ku weheliya saraakiil sar-sare oo ka tirsan ururka Jaamacadda Carabta, sidoo kale waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Kuweyt Shiikh Sabaax Khaalid Axmed Sabaax, Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga dalka Muritaaniya Axmed Walad.

Warka ka soo baxay Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegey in Amiinka guud ee Jaamacadda Carabtu uu kulan la qaadan doono Madaxweynaha jamhuuriyadda federaaliga ah ee Soomaaliya, iyo madaxda sare ee dalka, waxaana ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka iyo dedaalka carabtu ugu jirto taageeridda Soomaaliya.

Arabsiyonews.com
Muqdisho office