Soomaaliya ayaa sanadkan 2014 noqatey dalka ugu liita adduunka dhanka musuq-maasuqa (Warbixin)

0

Dalka Soomaaliya ayaa mar kale noqdey dalka adduunka ugu musuq-maasuqa badan isla markaana ku jira lanbarka ugu hooseeya, sanadkan 2014, sida ay daabacdey hay’adda Transparency Organization. dalalka baaritaanka lagu sameeyey ayaa gaaraya 174 dal, Soomaaliyana waxay sanadkan gashey lanbarka 174.

Dalka Soomaaliya oo isagu aan weli lahayn dawlad dhexe oo xoog badan oo awoodeedu dalka wada gaarsiisan tahay ayaa markale waxaa uu gadaal ka hoggaamineysa dhanka xumaanta iyo musuq-maasuqa dalka Soomaaliya oo sanadihii u danbeeyey booskaas haystey isla markaana lagu shaabadeeyey dalka dunida ugu musuqmaasuqa badan, ayaa sanadkana booskiisi ceshadey oo aan madaxa kor u soo qaadin sida hay’addu sheegtay.

Dalalka Afqaanistaan Suudaanta Koonfureed oo sanadihii la soo dhaafey Soomaaliya ka hooseeyey ayaa hadda kor uga kacay halki ay markii hore ku jireen, waana markii labaad ee Soomaaliya kaalinta ugu hooseysa ka gasho baaritaanka hay’adda Transparency Organization

Hay’adda Transparency ayaa sandkasta dhamaadkiisa soo saarta baaritaano ay sameysey taas oo ay ka qaybqaateen khuburo dhanka maamul wanaaga ah, afartii sano ee la soo dhaafey ayaa dalka Soomaaliya markasta la gelinaayey kaalimaha ugu danbeysa.

Dalka Denmark ayaa sanadkan lagu tilmaamey dalka ugu horeeya ee daahfurnaanta, waxaana ku xiga dalalka New Zealand, Finland, Sweden iyo Norway.

Arabsiyonews.com
Muqdisho oofice