Xukumada Isra’iil oo khilaaf dhexgalay & Doorashooyin cusub!

0

Raysalwasaaraha Maamulka Isra’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay doorashooyin deg deg ah kadib markii uu khilaaf siyaasadeed uu soo dhexgalay Golihiisa Wasiirada.

Netanyahu ayaa dhaliil adag kala kulmay labo wasiir oo kamid ah Xukuumadiisa kuwaasi oo kala ah, Wasiirka Maaliyada Yair Lapid iyo Wasiirka Cadaalada Tzipi Livni.

“…Waa in si deg deg ah in loo qabto doorasho cusub si loo helo xukuumada salbalaar ah oo heysata taageero ku filan….”ayuu yiri Netanyahu oo shir jaraa’iid qabtay kadib casilaadii labada wasiir.

Xukuumada Netanyahu ayaa ku dhisneyd isbaheysi ka kooban 5 xisbi.

Labada Wasiir ee xilka ka degay ayaa kala hogaamiye labo xisbi oo ku jiray isbaheysiga xukuumada.

Balse Netanyahu ayaa sheegay in labada wasiir ee kasoo horjeestay ay wadeen inay inqilaab ku sameeyaan, kadib markii ay si weyn u dhaliileen siyaasadiisa qalafsan.

Raysalwasaaraha Isra’iil ayaa aaminsan inuu weli taageero ku filan ka heysto xisbiyada isbaheysiga kula jira oo u badan kuwa xagjirka ah ee Yuhuuda.

Arabsiyonews.com
Hargeisa office