Xarunta Midowga Yurub ee Brussels ayey maanta (Arbaca) ku kulmayaan Wasiirada Arrimaha Dibada ee dalalka kamid ah isbaheysiga la dagaalamaya ISIS.
Shirkan ayaa waxaa guddominaya Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka John Kerry, waxaana sidoo kale kasoo qeyb galaya Raysalwasaaraha dowlada Ciraaq.
Dalalka kamid ah isbaheysiga oo u badan xubnaha NATO iyo qaar kamid ah dalalka Carabta ayaa waxay ka wada tashanayaan tilaabadii ay qaadi lahaayeen, maadaama ay duqeyn ku wadeen xoogaga ISIS 4tii bilood ee lasoo dhaafay.
Waxaa illaa iyo hada muuqata in duqeymaha Maraykanka iyo xulafadiisa la beegsadeen ISIS inaysan wax badan ka bedalin awoodii kooxda ISIS oo weli gacanta ku heysa dhulkii ay horey u qabsatay.
Maraykanka ayaa illaa iyo hada hogaanka u haya duulaanka ku aadan maamulka ISIL, waxaana dhawaan ka dhintay ciidamada cirka Maraykanka, duuliye ka qeyb qaadanayey duqeynta ka socota Ciraaq iyo Siiriya, kadib markii ay la dhacday diyaaradii uu waday oo ahayd nooca F16.
Xukuumada Maraykanka ayaa sheegtay in ay kali ku noqotay inta badan duqeymaha lala beegsanayo ISIS, marka loo eego dalalka kale ee isbaheysigan ku jira oo intooda badan aan si toos ah u keenin diyaarado gacan siiya Maraykanka.
Qodobada ugu muhiimsan ee looga hadlayo shirka Brussels ayaa ah in ciidamo loo tababaro dowlada Ciraaq, iyadoo la isku raacay in duqeynta cirka oo kaliya aysan wax u dhimeyn xoogaga ISIS, balse loo baahan yahay ciidamo xoogleh oo si fool ka fool ah ulla dagaalama.
Illaa iyo hada Maraykanka wuxuu sheegay inuusan ciidan danbe u diri doonin Ciraaq, sidoo kale xulafada Maraykanka ayaa sheegay inaysan ciidamo keenayn, arrintan oo culeys saartay ciidamada Ciraaq iyo kuwa kurdida oo hada muuqata inaysan u fileyn iska caabinta xoogaga ISIS.
Arabsiyonews.com
Brussels oofice








