Muqdisho[AN] Nicholas Key oo hambalyo u diray caleema saarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed
Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay caleema-saarka Shariif Xasan Sheekh Aadan loogu caleema-saaray hogaanka Maamulka dhowaan la dhisay ee Kumeelgaarka ee Koonfur Galbeed (ISWA). Isagoo ka hadlaya xaflad lagu qabtay magaalada Baydhaba ayuu Kay yiri,
“Waxaan ugu hambalyeeynayaa Shariif Xasan Sheekh Aadan caleema-saarka la caleema saaray. Tani, maanta waa talaabo muhiim ah oo horay loogu qaaday xaga dhismaha Soomaaliya oo federaal ah, mideeysan oo
xoog leh sida laga dheehanayo Aragtida 2016. Waxaan soo dhoweynayaa muhiimada la siiyay ka-wada-qeybgalka iyo dib-u-heshiisiinta dhamaan dadka dega deegaanada ISWA, waxaana ku boorinayaa dhamaan dadka arrintu khuseeyso in ay sii wadaan dadaalladaas.”
“Dhisidda ISWA waxay waddada usii fureysaa dadaalada lagu dhisaayo maamul shaqeeyo oo awood u leh in uu gaarsiiyo bulshada deegaanka adeegyada aadka loogu baahanyahay,” ayuu yiri SRSG Kay. “Waxaan rajeynayaa in la dhiso hay’ado loo wada dhanyahay oo ay qeyb ka yihiin kuna jiraan haweenka, dhalinyarada iyo dadka laga tirada badanyahay,”
“ISWA iyo maamul goboleedyada kale ee kumeelgaarka ah waxay leeyihiin dowr muhiim ah oo ay uga qeyb qaataan dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka Kumeelgaarka ah, waxaana kamid ah diyaarinta doorashooyin iyo sameynta nidaam federaal ah, iyo weliba hirgelinta Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya. Waxaan mar kale ku celinayaa ballan qaadka adag ee
Qaramada Midoobay ee ku aadan taageerada howlahaan iyo in la caawiyo dhismaha nabad, xasillooni iyo barwaaqo ay gaarto Soomaaliya iyo gobolka.”
Arabsiyonews.com
Muqdisho office








