Madaxweyne Gaas oo markale booqday qeybo ka mid ah magaalada Bosaso

0

Kormeerka shaqo ee madaxweyne Gaas ku tagay Xarunta Wasaarada Maaliyada Puntland ee magaalada Bosaso , Xarunta maamulka Gobolka Barri iyo sidoo kale Xarunta Bankiga dhexe ee
Dawladda Puntland ayaa saldhig u ah u kuur gelida habsami u socodka shaqo ee xarumaha dawladda ayaa waxaa ku wehliyey qaar kamid ah Golaha wasiirada Dawladda Puntland iyo saraakil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Waxana intuu uu ku guda jira kormeerka uu kulamo la qaatay madaxweynuhu maamulka iyo shaqaalaha ka howlgala xafiisyadaas, isagoona kula dar-daarmay dar-dar gelinta howlaha shaqo ee loo idmaday.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale warbixino ka dhagaystay masuuliyiinta xarumahaasi uu booqday , waxana uu ku wargeliyey in lagama maar-maan ay tahay kor u qaadista iyo tayaynta adeega bulshada.

Arabsiyonews.com
Boosaaso office