Weerar ka dhacay Wajeer, Kenya Ilaa Hadana Kama Soo Bixin Weerarkaasi Warar Faah Faahsan

0

Waxaa habeenkii xalay oo ay talaado soo galeysay weerar lala beegsaday goob lagu caweeyo oo ku taal magaalada Wajeer.

Weerarkan xalay ka dhacay Wajeer ayaa waxaa ku dhintay 1 qof, waxaana ku dhaawacmay 5 kale, kadib markii qarax lala beegsaday goob ay ku caweeyaan Saraakiisha ka shaqeysa Wajeer ee u aan Soomaalida ahayn.

Waxaa sidoo kale is-rasaaseyn dhexmartay maleeshiyada hubeysan iyo askarta joogta saldhiga Booliiska ee Wajeer.

Dhinaca kale waxaa saaka weerar ay dabley hubeysan ku qaadeen duleedka magaalada Mandheera goob dhagaxa laga qodo, halkaasi oo la sheegay in lagu dilay dad gaaraya 36 qof oo ah dadkii ka xamaalan jiray goobtaasi, waxaana la sheegay shaqaalaha goobtaasi inay u badan yihiin dad aan u dhalan Soomaali.

Weeraradan qorsheysan ee ka dhacaya waqooyi bari dalka Kenya ayaa culeys weyn kusaaray dowlada Kenya oo lagu dhaliilay inay wax ka qaban weyday amaanka dalkaasi.

Todobaadkii hore ayey ahayd markii 28 qof lagu dilay gaar bas ah oo marayey duleedka Mandheera, weerarkaasi oo ay sheegatay kooxda Al Shabaab. Sidoo kale Sabtidii ayaa sarkaal ka tirsan Booliiska lagu dilay nawaaxiga xerada Dhagaxley, weerarkaasi oo askari kale lagu dhaawacay.

Arabsiyonews.com
Wajeer office